Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Gaadhay Degmada Awbarre
May 14, 2019 - Written by admin
Awbare(Berbertatoday.com)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Xerogeel oo ka tirsan degmada Awbarre, halkaas oo uu kula kulmay shacabka qaybihiisa kala duwan.
Madaxwaynaha ayaa shacabka Xerogeel kala hadlay arrintii dilka ahayd ee dhawaan ka dhacday tuulada Xajiin wuxuuna uga tacsiyadeeyay dilkaas shacabkii tuulada Xajiin ee dhibku soo gaadhay.