Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Muujisay In Aanay Ku Qanacsanayn Hab-dhaqanka Siyaasadeed Ee Axmed Ismaaciil Samatar H
May 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa muujisay in aanay ku qanacsanayn Hab-dhaqanka siyaasadeed ee Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo Maalmihii u dambeeyay isaga iyo Cali Khaliif Galaydh ay wadeen kulamo ay Dadweynaha kula hadlayeen.
Samatar oo xilligii uu socday Ololihii doorashadii Dalka ka dhacday 2017-kii ku biiray xisbiga KULMIYE isla-markaana door weyn ka ciyaaray ololahaasi, ayaa hoos uga soo degay wixii uu ka aaminsanaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana la arkay isagoo jeedinaya hadallo dhaliil ku ah Xukuumadda, taasi oo jirta ayuu Toddobaadkii u dambeeyay wuxuu Dalka Kenya ay isku raaceen Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro, safarkaasi oo ay illaa hadda ku maqan yihiin.