berberatoday.com
Baanka Dhexe oo Doonaya Inuu Wacyi-gelin Kula Dagaalamo Sicir-bararka Raashinka H
May 15, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sheegay inay Ganacsatada ku wacyi-gelinayaan inay wax ku iibiyaan Qiimaha uu Baanku gaadhsiiyey Sarifka lacagta dollarka, kaasi oo ah halka dollar 8400, halka Ganacsatada qaarkood Halka dollar ku qiimeeyaan 10,000 kun oo Shilin.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo Maanta hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay ururiyaan xogta la xidhiidha siday Ganacsatadu ugu kala duwan tahay qiimaha, sid markaa loo bilaabo Wacyi-gelin ay ka qayb ka tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu

“Waxaanu doonaynaa inaanu Xogta ururrino, Ganacsatada sida Xalaasha ah wax uga iibinaysa Shacabka..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu u tagaynaa Culimada waaweyn ee Dalka, waxaanu waydiinaynaa waxay Shareecadu ka qabto Ninkaa wax ku iibinaya Tobanka kun (hal dollar) iyo ka wax ku iibinaya 8400 shilin (Hal dollar oo qiimaha Baanka ah), ayaanu waydiinaynaa waxay Diintu ka qabto, si Dadku u ogaadaan Sharciyan ama diiniyan..”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay arrintan ka caawinayaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu “Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo aanu arrintaa ka codsanayna waxaanu filaynaa inuu illaa berry galayo..”ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey in kormeer ay sameeyeen ku ogaadeen in Meheradaha qaarkood, sida Huteellada Cuntada ay Halka Dollar ku qiimeeyaan toban kun oo Shilin.

Qiimaha Sarrifka 100-ka dollar ayaa laba bilood ka hor ahaa lacag ka badan 1 Milyan dollar, balse labadii bilood ee u dambeeyay ayuu hoos ugu soo dhacay 8400 kun, laakiin maceeshadda ayaa sideedii hore ah, taasina waxay keentay in Baanku ka fikiro sidii la isku waafanjin lahaa.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews