berberatoday.com
Dhagaysiga Dacwada Korneyl Tuke Oo Maalinta Berri Ka Furmaysa Dalka Mareykanka Iyo Goob Jooge Kamida Dadkii Uu Gacantiisa Rasasta Kula Dhacay OoMaxkamada La Horgeeyay
May 15, 2019 - Written by admin

Virginia(Berberatoday.com)-Tacaddiyada ka dhanka ah bani’aadannimada ee ka dhacay Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya wakhtigii taliskii Siyaad Barre ayaa waxaana  wiigan waxa qoray dhagaysiga dacwada Col Tuke Qaarkamida Wargaysyo Caalami ah  iyadoo lagu maxkamadayno mid kamid  sarakiishii xasuuqa ba,an ka gaystay gayiga Somaliland taasi oo maalinta baru ah dhagaysigeedu ka bilaabmayo maxkamad ku taalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka waxaana dhagaysiga dacwadan goob joog ka ahaan doono  kadib markii ugu dambeyn nin Soomaali ah uu ku guuleystay inuu dib ula xisaabtamo sarkaal milatari ahaa oo uu ku eedeynayo inuu isku dayay inuu dilo.

Dacwadda la xidhiidha kiiskan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa si rasmi ah uga furmeysa maxkamadda, sida ay shaaciyeen wargeysyada The Guardian iyo New York Times, ee kasoo kala baxa dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka.

Farxaan Warfaa ayaa markii ugu dambeysay ee uu ninka eedeysanaha u ah la kulmay, oo lagu magacaabo Yusuf Cabdi Cali, waxa ay ahayd bishii Maarch ee sanadkii 1998-kii.

Wuxuu sheegay in markaas Cali uu sheegay  in Korneyl Tuke, uu bastoolad ula soo baxay uuna ku dhuftay shan xabadood oo aanu u meel dayin.

Ka hor inta aan la tooganin ayuu sheegay in jidhdil loo geystay, isagoo xilligaasna ku sugnaa Somaliland gaar ahaan gobolka gabiley.

Cali ayaa la sheegay in markaas uu ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo bani’aadan oo dhacay intii u dhaxeysay sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

Xarunta caddaaladda iyo isla xisaabtanka ee fadhigeedu yahay gobolka California ayaa kiiskan geysay maxkamadda, si dacwadda dhageysigeeda loo guda galo.

Warfaa ayaa marka ay arrintaasi la sheegayo dhaceysay waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah, haddana waa nin ka mid ah oday dhaqameedyada deegaankiisa.

Waxa uu Somaliland uga safray si uu Mareykanka u joogo 5 maalmood oo uu socdo dhageysiga dacwadda.

Waxa uu Warfaa raadinayaa in uu caddaalad u helo jidhdil uu ku andacoonayo in loo geystay iyo isku day dil oo ka baxsan sharciga.

Hay’adda kiiskan gadaal ka riixeysa oo magaceeda loo soo gaabiyo CJA ayey guul u tahay in ay maxkamadda aqbasho dhageysiga dacwadda, iyadoo markii ugu horreysay dadaalka ku saabsan arrintan billowday sanadkii 2004-tii.

Waxay kasoo gudubtay qodobo sharciga la xidhiidha oo horseedi karay in uu kiiska gabi ahaanba burburo.

Sanadkii 2016-kii ayey maxkamadda racfaanka ee uu fadhigeedu yahay Virginia meesha ka saartay qodobbo dhinaca sharciga ah oo hor istaagayay in Cali la maxkamadeeyo.

Waxa ay markii hore caqabad ka taagneyd sida Mareykanka gudihiisa loogu qaadi karo dacwad ay eedeynteeda ka dhacday meel ka baxsan waddankaas, arrintaas ayaana dacwadda dib u dhigtay muddo 15 sano ah.

“Wuxuu rajeynayaa in wax laga qabto tacaddiyada uu sheegay in isaga iyo dad kaleba lagu waxyeelleeyay”, sidaas waxaa yidhi Carmen Cheung oo ah agaasimaha dhinaca sharciga ee hay’adda CJA.

Kiiska ka dhanka ah Cali ayaa ah kii saddexaad ee ay hay’adda CJA ka diiwaan galiso maxkamadaha Mareykanka, waxaana dhammaantood ay salka ku hayaan tacaddiyo la sheegay in la geystay xilligii dowladdii Siyaad Barre.

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews