berberatoday.com
Muxuu Yahay Kiiska Ay Manchester City Ku Seegi Karto Ka Qeyb Galka Champions League-ga?
May 15, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kooxda dambi baadhista ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee Uefa ayaa dooneysa in tartanka horyaallada Yurub ee Champions League-ga laga mamnuuco kooxda Manchester City, haddii lagu helo dambi ah inay ku xad gudubtay xeerarka isticmaalka lacagaha.

Hase ahaatee, waxaa la sheegayaa in go’aanka kama dambeysta ah uu wali gacanta ugu jiro madaxa kooxda baadhitaanka oo lagu magacaabo Yves Leterme.

Ninkan oo ah Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Belgium ayaa horkacaya guddiga madaxa bannaan ee Uefa u qaabilsan baadhitaannada ku saabsan habka ay kooxuhu u isticmaalaan kharashka soo gala.

Wiigan gudihiisa ayaa lagu wadaa in go’aan laga soo saaro arrintan, iyadoo markaas la ogaan doono in City ay xilli ciyaareedka soo socda ka qadi doonto ka qeyb galka Champions League-ga iyo in kale.

City ayaa wajaheysa inay seegto tartanka Champions League-ga

Go’aanka ku saabsan kiisaska noocan ah ayaan ku xidhneyn in loo codeeyo, waana mid si gaar ah uu u leeyahay guddoomiyaha oo kaliya.

Balse qaar kamid ah saraakiisha la shaqeysa ayaa lagu soo warramay inay si adag u qeexeen ra’yigooda ku aaddan in Man City lagu ganaaxo mamnuucis hal xilli ciyaareed ah, taasina ay tahay ciqaabta ku habboon.

Maxaa lagu eedeynayaa Manchester City?

Mr Leterme iyo kooxdiisa ayaa marka hore eegaya caddeyn shaaca ka qaadday arrimahan oo sanadkii lasoo dhaafay lagu daabacay wargeysyada ka faallooda arrimaha ciyaaraha.

Xogta ayaa lagu xusay eedeyn ku saabsan in Man City ay jabisay shuruucda isticmaalka lacagaha, iyagoo aan meelna ku sheegi karin malaayiin gini oo ay ka heleen heshiisyo ay galeen.

City ayaa sannadkii 2014-kii lagu ganaaxay lacag dhan 49 malyan oo gini, kadib markii lagu helay inay shuruucdaas ku tunteen.

Haddii Man City laga saaro booska ay ku lahayd Champions League, waxaa suurtagal ah in lagu baddalo Arsenal oo horyaalka ku dhameysatay kaalinta 5-aad.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews