berberatoday.com
Hargeysa”Meydadka 29 Ruux Oo Xabaal-wadareed Lagu Xasuuqay Laga Helay Oo Aas Loo Sameeyey
May 17, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga baadhista Xasuuqa Somaliland, ayaa Meydadka 29 Ruux Xabaal-wadareed ugu sameeyay Xabaalaha Masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, kuwaas oo laga helay Xabaal-wadareedyo lagu xasuuqay, siday Guddigu sheegtay.

Meydadkan Xabaal-wadareedka loo sameeyay ayaa waxa bishii Afraad ee sannadkan laga soo saaray Xabaal-wadareedyo ku yaalla Xaafadd 150-ka ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo la aamisan yahay inay ku aaseen Ciidammadii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya oo badan ku dilay Somaliland, siddeetamaadkii.

Aaska loo sameeyay Meydadkan Xabaal-wadareedyada lagu aasay, markii si Diinta Islaamka waafaqsan loogu tukaday ka dib, waxa Saxaafadda uga warramay Guddoomiyaha Guddiga baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like iyo Agaasimaha fulinta ee Guddiga baadhista, Axmed Ismaaciil Cali.

“Waa markii labaad ee aanu Dumar ku dhex aragno Dadkaa la aasayey, waxaanu u ku aragnay Saddex dumar ah iyo laba Carrur ah, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ay Diyaaraddu bannaanka ka heshay ee ay Garaacaysay. Dadkan aanu Qalfoofkooda meesha ku haynaa waa Ummad aan qori sidanin oo Shacab ah oo wax Alaale iyo wax ay geysteen aanay jirin oo gacan ka xaq-darani dishay. Dadkan waxaanu ka soo saarnay Xabaashii 18-aad, Dadkii aanu hore halkan ugu aasnayna waxay marayaan 203 hore iyo 29-kan.”ayuu yidhi, Guddoomiye Khadar Axmed Like.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews