berberatoday.com
Jabuuti Oo Sameysay Wixii Ay Soomaaliya Uga Digtay
May 17, 2019 - Written by admin

Jabuuti(Berberatoday.com)-Dowladaha Jabuuti, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Uganda ayaa ku heshiiyay in ay dhistaan qad isku xidha caasimadohooda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiyaa.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa horey u sheegay in Soomaaaliya ay ka digtoonaato isbedelka gobolka ee Itoobiya ay hor keceyso.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu ku sheegay: “Anagu jawigaa nabadeed diyaar baan u nahay, annaguna waxaan niri horta bal arrinkayaga aanu dhameysano, waa dhowdahay, waana sugeynaa. Taasna kama dhigno in aan ka xunnahay ama aan ka horjeedo. Laakiin waxa weeyeen, salad walba xilligeedaa la tukadaa”.

Mar uu arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay wuxuu yiri: “Heshiis anagu aan ognahay oo dhaqaalaha badalaya ama si kale u rogaya oo anagu aan ognahay majiro”.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa loo arkayay inuu ka caga jiidayay isbedelka ka socday Geeska Afrika, laakiin wuxuu ku adkeysanayay in iskaashiga dhaqaalaha uu sidiisii yahay. Hadase waxa ay u egtahay in iskaashigii uu Geelle uga digayay Soomaaliya uu galayo mid la mid ah.

Shirka labada maalmood socday wuxuu ahaa mid lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta qadka. Dhinacyada ay quseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn.

Dowladda Jabuuti ayaa horey u muuqatay in ay ka cagajiideysay isbedelka uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Itoobiye Abiy Axmed, laakiin dhanka mashaariicda horumarina, waxay u muuqataa in xukuumadda madaxweyne Gelleh in ay ka faa’ideysanayso.

Qadka isku xiraya Kampala-Jabuuti waa midka afaraad ee la qorsheeyay inuu fududeeyo isku xirta dalalka IGAD.

Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono qadka isku xirka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews