berberatoday.com
Maxaad Ka Taqaan Mahadhadii Taariikheed EE General Maxamed Xasan Cabdilaahi (JIDHIF)? NINKII LIBINTIISA UU QIREY CADOWGII AY IS HAYEEN
May 17, 2019 - Written by admin

QAYBTA 1AAD
W/Q: Cabdi Kariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

Hordhac:
Qormadana waxaan idiinku soo gudbin doonaa Tagtadii iyo taariikhdii Mojar General Maxamed Xasan Cabdilaahi(Jidhif) oo ka kooban. Hanaqaadkiisii Iyo Bilowgii Waxbarashadiisa,heerarkiisii waxbarasho,iyo Kaalintiisii Hogaamineed Ee uu Ku lahaa Halgankii Hubaysnaa Ee SNM Hormoodka ka ahayd iyo Hirgalinta Qaranimada Somaaliland.
Waxaynu u Qaybinaynaa Laba qaybood oo kala ah:
1. Q.1aad. Barbaarintii Hore Iyo Hanaaqaadkii noloshiisa;oo aynu kaga warami doono bilowgii noloshiisa ilaa heerarkiisii waxbarasho iyo qofka uu yahay Maxamed Xasan Cabdilaahi (JIDHIF). ilaa halgankii
2. Maalmihii Halganka ilaa Markuu Gaadhay Heerkii ugu sareeyay Ciidamada Somaliland. oo aynu ku eegi doono kaalintiisii halganka uu ku lahaa iyo doorkii uu ku lahaa dib u xoreynta Qaran iyo hirgalinta himilada Jamhuuriyada Somaliland.

Inta Aanan hadaba u galin labadaa qaybood, hadaan in yar oo hordhac ah uga bildhaamiyo cida uu yahay shaqsiyan, qofka aan waxba ka garanayn Maxamed Xassan Cabdilaahi(JIDHIF):
 Waa mid ka mid ah khabiirada xaga milatariga ugu magaca dheer guud ahaan geyiga soomaalidu dagto, gaar ahaana, Somaliland.
 Waa aasaasihii iyo Taliyihii Guutadii 99aad Ee SNM .Waa hogaamyihii dagaalkii Xeebaha oo Ahaa Dagaalkii ugu adkaa uguna qadhaadhaa ee dhex mara jabhadii SNM iyo dawladii kacaankii Taliskii Maxmaed Siyaad Barre.
 Waa sarkaalkii Ugu horeeyay ee gayiga Somaliland ka taaga calan ay SNM leedahay isla markaana, inta la ogyahay taariikhda markii u horeysay qaaday cashuur lagu Qaado Magaca SNM. Goobtuna ahayd Kastamkii Saylac.
 Waa Aasaasihii Ciidankii Nabad Galyada Oo ahaa Ciidankii ugu horeeyay ee ka hawlgala Somaliland 1991. Isla markaana ahaa ciidankii uu ka soo unkamay ciidanka Booliska Somaliland.
 Waa Taliye xigeenkii U horeeyay Ee Ciidanka Booliska Somaliland Markii La aasaasay booliska 1994.
 Waa Aaasaasihii Hayadii Miino saarta Qaranka Ee SMAC
 Waa Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
 Barbaarintii Hore Iyo Hanaqaadkii Noloshiisa

Magaciisa Oo Dhamaystiran waa Maxamed Xasan cabdi laahi waxaase uu caan ku yahay oo lagu garan og yahay naanaysta ah (JIDHIF). Naanaysta Jidhif Waa mid uu ku soo caano maalay oo loo yaqaanay tan iyo caruurnimadiisii. Waxaana u bixiyay,Weriyihii Caanka Ahaa Ee Axmed Xasan Cawke naxariistii Jano alle ha ka waraabiyee. Oo isku maalin la wada qoray iskuulka kalaaska koowaad.
Maxamed Xasan Cabdi Laahi(Jidhif).hooyadii waa Aamina Yoonis Boon. Waxaanu hilaadii 1950 kii ku dhashay Magaalada Hargaysa. Hase yeeshee, waxuu ku barbaaray kuna qaatay waxbarashadiisii hoose ee asaasiga ahayd degmada Tog-wajaale. Isaga oo 1960kii, la qoray dugsiga Hoose ee Degmada Tog-Wajaale.
Sanadii 1963 kiina waxuu galay Dugsiga Camuud eek u yaalay magaalada boorame isagoo ku qaatay waxbarashadiisii dugsiga dhexe.
Ka dib-na, 1967 – 1970kii wuxu dhigan jiray dugsigii farsamada gacanta ee Burco ‘ Burco technical institiute’
Major General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) Sannadkii 1970 wuxuu ka mid noqday ama uu ku biiray Ciidamada Milateriga ee xooga Dalka Soomaaliyeed. Isla sannadkaasina waxaa tababar milatari loogu qaaday dal-waynihii la isku odhan jirey Midawga Soofiyeeti.
Sanadihii 1970-kii ilaa 1973, Wuxu ka mid ahaa ardaydii wax ka baranaysay Machad lagu magacaabo ‘ odecca Collage” oo ahaa Milateri Collage. Ardaydii ay halkaasi ku wada jireen, waxa ka mid ahaa: Muuse Biixi Cabdi oo imika ah Madaxwaynaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo imika ah wasiirka arimaha gudaha, Mujaahid Dayib guray alle ha u naxariistee,Xasan Cali Abokor iyo Cabdillaahi iimaan Xuseen (Cabdilaahi Dirawal) waxaanu halkaasi ku soo qaatay tababarkii u horeeyay iyo cilmig milatariga.
Generaal Jidhif sanadkii 1973-kii, markii uu waxbarashadaasi Oo ahayd Layli Sarkaal soo dhammaystay dalka ayuu dib ugu soo noqday. Isagoo isla sannadkaa 1973 dib ugu laabtay dalka Ruushka. Waxaanu halkaasi ka sii anbaqaaday waxbarashadiisii jaamacadeed .Waxaanu ku biiray Jaamacaddii ‘ Mosco State University’ gaar ahaana Kulliyada barashada cilmiga Dhismaha ‘ Collage of Civil Engineering’ isagoo shahaadadiisii Jaamacada ku qaatay Cilmiga dhismaha(Civil Engineering).
1977kii Markii uu bilaabmay Dagaalkii Somaliya Iyo Ethiopia, general-ku wuxu ka mid ahaa dhallinyaraddii Soomaaliyeed ee Ruushka joogtay ee Wax ka baranaysay, ee Dawladii Soomaaliya halkaasi ka soo kaxaysay si ay uga qayb qaataan dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaana xusid Mudan In Wefidagaa Ka socday dawladii soomaaliya ee janaraal Jidhif iyo ardaydii kale soo kaxaysay uu hogaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynihii hore ee Somaliland.
General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) wuxu safka hore ka galay saraakiishii wacdaraha ka muujiyey Dagaalkii 1977 Ee Soomaaliya Iyo Itoobiya. Waana halka Markii ugu horaysay, Janaraal Jidhif ay ku soo if-baxday geesinimadiisa iyo Haybadiisa milatari ee uu Ilaahay hibada u siiyey. ilaa waqtigaasi waxaan Maskaxda saraakiishii labada dawladood ka bixi waayay kaalintii muuqatay ee uu ku lahaa guulihii dawlada Somaliya ka gaadhay dagaalkaasi, isagoo ka mid ahaa, shaqsiyaadkii dhulka la simay dhammaan biriishyadii ku yaalay dhulka Xabashida. Waxaana taasi daliil u ah, in markii danbe ee uu jabhadka noqday ee uu u talaabay itoobiya, in sarkaalkii u horeeyay ee itoobiyaanka ahaa ee qaabilay islamarkiiba aqoonsaday. taasi oo muujinaysay in uu ka mid ahaaa saraakiisha sirdoonka itoobiya xogtooda haysay
Dagaalka ka dib, Major General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) waxuu shaqadiisii u horeysay ka bilaabay hogaankii dhismaha Ee Ciidanka Xooga Dalka soomaaliyeed isagoo ahaa injineerkii nashqadeeyey dhismayaal badan oo maanta caan ka ah Soomaaliya iyo Somaliland. Janaraal jidhif intuu ahaa hogaanka dhismaha, dhismayaasha uu dhisaya waxaynu ka soo qaadan karnaa:
1. Dhismaha xaruntii Taliskii Qaybta 26aad Ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, haatana ah dhismaha Taliska guud Ee Ciidamada Qaranka jamhuuriyada Somaliland oo fadhigeedu yahay magaalada harageysa.
2. Dhismaha warshadii caanaha oo ku taala muqdisho
3. Dhismaha wasaaradii warshadaha soomaaliya oo ku taala muqdisho iyo
4. Dhismaha Wasaaradii Gaashaandhiga Soomaaliya oo ku taala muqdisho.
Muddo ka bacdi, General-ku, wuu ka tagay shaqadii Dawladda, waxaanu shaqo ka bilaabay shirkad laga leeyahay Dalka Maraykanka oo la odhan jiray Chafrol Intertnational Oil Company. Shirkaddan oo baadhi jirtay Shidaalka wuxu la shaqeeyey muddo afar sanno ah oo ka soo bilaabantay 1981-Ilaa 1984 tii.
Sanadku markuu ahaa 1984 Dawladdii kacaanka ayaa xasbiga u taxaabtay general-ka. Muddo shan sanno ah ayaanu ku jiray labada jeel ee Godka Iyo Mandheera. Isagoo sababta xadhigiisuna ahayd cadaadiskii iyo tacadigii lagu hayay saraakiisha ka soo jeeday gobolada waqooyi.
…LA SOCO…… Qaybaha danbe oo xiise leh dagaalkii xeebaha,firxadkii morgan iyo waxii kala qabsaday cabdi casiis cali barre
Fadlan share ta ha la bakhaylin

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people
Image may contain: 1 person, smiling, standing and outdoor
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews