berberatoday.com
Shirkii Afraad Ee Culimadda Iyo Suxufiyiinta Oo Ururka Solja Hargeysa Ku Qabtay
May 17, 2019 - Written by admin

Kulankaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),  Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi, iyo waliba qaar ka mid ah Culimada Dalka iyo suxufiyiinta ka hawlgasha  Somaliland.

Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Maktabadda Al-Bashiir waxaana kulanka culimada iyo suxufiyiinta kaalin mug leh ka qaadanayey Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, qaar ka mid ah culimada dalka iyo shirkada True-cable.

Ugu horreyna, waxa kulankaas ka hadlay Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi waxaanu sharraxay kulankan iyo ujeeddada loo qabtay, waxaanu  suxufiyiinta kula dardaarmay inay ku camal falaan casharka qiimaha badan ee ay culimadu ujeediyeen.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida kulankaas, sidoo kale waxa uu suxufiyiinta kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan bisha barakeysan ee Ramadaan fadaa’isheeda.

Gabagabadiina waxa kulanka furay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, isagoo wacdi diini ah u jeediyey suxufiyiintii kulankaas ka soo qayb gashay, isla markaana kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fadaa’isha bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kulanka culimada iyo suxufiyiinta ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews