Hambalyo Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland Ee 18 May W/Q Agaasime Guud Ahmed Abokor
May 18, 2019 - Written by admin
HAMBALYO XUSKA QARANIMADA JSL ee 18KA MAY

Xuska sanadguurada 18-ka MAY waa maalin dunida loo muujiyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo in midowgii caadifada ahaa ee 1dii JULY 1960, midowgaas oo keenay xasuuq iyo tacadi loo gaystay shacabka Somaliland kuna soo afjarmay 18kii May 1991.
28-kaa sanno shacabka Somaliland waxay dhisteen nidaam dowladeed oo lagu soo dhisay wadatashi geed hoostii laga soo bilaabay. Waxaa la dhisay ciidamo qaran, lacag, distuur iyo baasaboor tasoo ah astaamiha dowladnimo.