”Somaliland Haddii Laga Tixgelin Waayo Ciidammada Badda Cas Xaggee Loo Wadaa Miyaase Laga Maarmi Karaa…”-Madaxweyne Biix
May 19, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatiday.com)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga ula hadlay madaxda dalkaasi Soomaaliya, iyo dalalka Geeska Afrika.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa arrintan kaga hadlay khudbadii uu shalay ka jeediyey xuska iyo dabaaldega sanadguurada 28aad, waxaanu ugu horreyn uu farriin u diray Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, waxaanu yidhi, ”Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo waqtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya”, waxaanu intaasi uu ku daray, ”Walaalayaal, Somaliland iyo Soomaaliya iyagoo ah laba dal oo xor ah oo ay kala gumeysan jireen Ingiriis iyo Talyaani ayey midoobeen 1960-kii, markaa 30 sanadood oo toban sano dagaal ku jireen iyo labaatan sano oo ciil, cadho iyo isqabqabsi ah ayey mideysnaayeen, waxaanay kala maqnaayeen 28 sanadood”.