Al-Shabaab Oo Shaacisay Dadka Ay Laayeen Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Tirada Masuuliyiinta Ay Ku Dileen.
May 23, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax ka dhacay bar Kontarool oo ku taala Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyootay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga oo lagu magacaabo Faadumo Cali Raage iyo askar la socotay, waxaana dhaawac uu kasoo gaadhay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qaraxa kaasi oo ahaa gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la eegteen saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xiligaasina waxay joogeen goob lagu baaro gaadiidka doonaya inuu maro wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya.