Militariga Sudan Oo Taageeray Sacuudiga Iyo Sababta
May 25, 2019 - Written by admin
Khartoum(Berberatoday.com)-Golaha millatari ee sida kumeel gaarka ah u xakuma dalka Sudan ayaa wacad ku maray in ay taageeri doonaan dalka Sacuudiga, haddii ay khatar kaga timaado dalka Iran oo ay Sacuudiga hadda ku xafiiltamayaan siyaasadda Bariga Dhexe.
Kaddib kulan uu Jimcihi maanta magaalada Riyadh kula yeeshay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, ayuu General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka taliska milatariga ee talada Sudan haya, sheegay in Sudan ay isgarab taagi doonto Sacuudi Caraibya, haddii ay weeraro ama khatar kasoo wajahahaan Iran ama maleeshiyaadka xuutiyiinta Yemen.