berberatoday.com
“Jamhuriyada Somaliland dan-weyn ayaa ugu jirta haddii taariikhaha Aasmay dib loogu noqodo ee Geeska Afrika iyo Bariga ba “
May 26, 2019 - Written by admin

“Jamhuriyada Somaliland  dan-weyn ayaa ugu jirta haddii taariikhaha  Aasmay dib loogu noqodo ee Geeska Afrika iyo Bariga ba “

Waxay leedahay Somaliland labbo Qaylo dhexdooda ayaa  Qaddaydu ku jirta ? Waa ta Soomaliya iyo Kenya ee.

Kenya waxay ka hadlaysa Anglo-Italian treat (1927) ee British empire Kismaayo ugu gacan geliyey Talyaaniga.

Siddoo kale waxay   Kenaya ku hanjabysa inay dagaal ka xigta  go,aan kasta oo ka soo baxa Maxkamada  Reer Yurubka ee Afrikaan lagu xukumo ee loogu yeedho (International criminal justice) ee fadhigeed yahay Hague-Netherland).

Waxay kale oo ku doodaysa Kenya inay soo foodsaari doonto Cuna-qabteyn ah xagga badda ah halkaan ay baad  siindoonan Wadamadak Bariga Afrika dhamaantood Soomaliya.

 Isagunna Arinka waxa sii adkeynaa Xeerka Shidaalka ee Soomaliya Maanta ka , Ansixisay Golaha Wakiilada ee Shatci-dejinta ugu magaacaban Dowlada  Soomaliya.

.

Iyadaan olole kale oo aad u muhiim ah ayeey doonaysa inay qadiyada Badda ka gasho ayadoo u dan leh si  kastoo ay isku hortaagi karrto,  waxayna ka dhigaya qadiyad aan kaligeed muhiim u aheyn Bariga Afrika oo dhan u muhiim ah wadamada ay codkooda iyo tageeradood qabto inay hanna too waxa ka mid ah  Uganda Rwanda Dr Congo South Sudan iyo Ethiopia oo intubba wax kala soo dega dekedda Mumbasa iyaddo Kenaya  ku macneynaysa  in halis  weyn oo dhabar-jab ahi kagaga soo fool-leedahay arinka badda ee Muranka ku jira . Waxa kale  u cadeyn ah in Xidhidh ka Kenya iyo Soomaaliya inuu u jeedo dhinac qaloocan  billo ka hor ayeeyna  aheyd markii Kenya si badheedh ah u soo dirtay Safiirki Sooamliya u joogay Nairobi halka loo Kenya Mogadishu ay u yeedhan in inkastoo ay ka cudur daarteen sidda Safiirka soomaliya u fahmay hadalood  la soo  xigta ay siiyeen aheyd  tallo inuu la soo sameeyo dawladiis.

.

Waxa soo if baxaya ayaamaha igu danbeeye in Kenya ku dhaqaaqdo  Arimo hore Wada-hadal iyo xaagoodba la ga gaadhay inay halkoodii hore ku soo celiso oo ay u danbeysa ta shalay ku dhacday Masuuliyinta Soomaliya ah ee Kenaya Visa ku galka loo diiday walina ku xaniban Garoonka Diyaradaha ee Wajeer sidda war-fidiyeenadu soo gudbiyeen.

Isku soo wadda Udub arinku waxa uu noqon karra mid ka sal balaadha sidda Soomaliya u heysato isla  markaan  keeni karra xagal-daac weyn oo dalalka isku teedsan,   markaan xududaha iyo ganacsi  xoog leh wadaaga lihi ay is kaashadan  halkaanna lagu go,aan qaato in soomaliya lagu foorariyo sidii dhacayday hore ee  Dagaalkii 1977 dhexe maray  Jamhuuriyada Dimuquradiga Somaliyeed iyo Itoobiya ee dhamaan Wadamada iyaga ahi kula talinyeen Mareykan ku  inaanu si dhab ah hub iyo taageero buuxda u siin Dawlad soomalida  ee  Ciidamdu aheyd Hogaanka hayeen , Sidiina  ay dhacaday halkaan Soomaalida  laggu jabiyey akhirkii  dhaawaceedii iyo Meydkeeba  ay hadh-galey  ka soo carartay , Dhulkii la doonayey in la soo dhiciyan isagganna halka lagga tanaasulay igu danbeyntii.

.

Arinka kale dhici karra in Soomaliya loo xukum halkaan Kenya waxa ay sheegayso nooca doono ha noqdee ay ku dhaqaaqdo ka dib la arko sidda Soomaliya u wajahdo wax kastuu  madax la gallo muranka  badda in dhaweyd soo cuboonaaday.  Kenya waxy kale aad iyo aad qalbiga iyo quluubta ku heysa  Soomalida dhaqaalah xoog leh ku heysta oo ku noqon karra mid af-leh oo galkeed ku jirta oo  Keyan, gudaheed taal,  inay u fekerto siddii ay uga takhalusi lahayd waa mid meesha ku jirat , sababtunna waxa ay tahay  dagaalku waxuu ka bilaami karra gudaheed  haddii xaalka uu qadhadhado oo  ficil qaadi-taan yimaado .

.

 Ta ugu yare e cadadis  iyo dhib soomalida hantida ku leh ugu filan waxa ay tahay ayadoo  ku dhaqaqda baadhi-taano aan sal iyo raad lahayn iyo lacago lagga xanibo Soomalida mid ganacsi leh iyo mid kale ba  ,waxanna dhici karrta inay sii kala saarto Soomalida laftigeed waxii Soomaaliya ka yimi ay gaar u la baxdo waa mid iyadun imina karta  ileen waa iska garanysa Soomali marka wax dhacaan waa la sii kala gura oo waa mid soo jireen ah .

 

Xaladaha qalafsni hadii ay noqdaan inay dhaqaan  waa halka   Jamhuuriyad Somaliland ka helayso fursad waan ta “odhaneysa  waxa  Jamhuuriyad Somaliland  qaddo- ugu jirta  qayladda  ka dhex aloosmi karta Soomaaliya iyo Kenaya waa haddi ay adkaato , waxa si yar ku hirgeli kar in qun-siliyadii in dhaweyd ba la hadal heynteda Jamhuuriyad Somaliland gudaheed laggu hayey hirgasho waxa kale   iyaduna helaya in Kenya furto iridaha  Xidhidhka cusub oo Siyaasdeed  dhexe mara Jamhuriyada Somaliland ugu yaraan doodaha ay xoojiso iyo Passpork oo ogolaato  koleytab wax lagga waayi mayo gowska iyo Yaalka lagu saxo  halganka qadiyada ku qotomma.

.

Haddii  Xaladuhu halka  ay ka kudaan  waxa is fur furaya wadooyin farro badan iyo  wax yaabo ay kow ka noqonayso in Kenaya ku dhaqaaqdo wax kasta oo ay dhib amma dhaawac ugu geysan karto Soomaliya Dawladnimadeed  waxayna kaalin weyn ka qaadan karta  qaadiyad Jamhuuriyada Somaliland iyo ummadded aadna in badan Wadmada Geedka Afrika iyo Bariga Afrika ay ka gows-adeygaayen amma  iska idho-tireen  waxanna dhici karta  inay go,aan dhiiran gaadho Kenya si lama filaan ah halkaanna Siyaasadda Afrika wax weyn ka bedel ,waanna  sidda aanu jecelahay haddi aanu nahay Jamhuuriyada dadkeeda ee .

.

Alle khayr ha ka dhigo  arimhu waa u baahan yihiin in wax uun meel ka dhaqaaqan , soomaaliya iyadun ma qaadi karto  haraan kale iyo qadaadi Ummmadeed soo food saare

 Fikrad iyo aragtida Xort ah ee muwaadinak jamhuuriyad Somaliland .

Abokorm@hotmail.co.uk

Abokor I Mohamud

Waa Billahi Towfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews