berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Xidhay Wejiga Koowaad Ee Barnaamujka Shaqo Qaran+Daawo Sawiro
May 26, 2019 - Written by admin

Darar Weyne(Berberatoday.com)-Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgaradka iyo haldoor kale oo reer Somaliland, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani dhallinyarada usoo kordhiyey iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada.

Image may contain: one or more people, sky, cloud, tree and outdoor

Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran oo madasha hadal ka jeediyey hadal dhinacyo badan leh, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugaga mahadnaqay ku dhiirrashada iyo ka midho-dhalinta marnaamujka lagu carbinayo dhallinyarada ee shaqo qaran, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay tallaabadasaasi tahay mid guulaysatay, tusaale fiicanna u ah in lagu guulaysan karo wax kasta oo gacmaha la isu qabsado.

Image may contain: one or more people, people standing, sky, beach, outdoor and nature

Agaasime Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), waxa uu sidoo kale ku dheeraaday guulaha uu barnaamujkani gaadhay iyo faa’iidooyinka uu u keenay bulshada reer Somaliland iyo da’yarta carbiska ku jirteyba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan si kalsooni ku jirto halkan uga sheegayaa in muddadii barnaamujka shaqo qaran socday si mug leh loo gaadhay himilooyin la higsanayey oo ay ugu mudnaayeen, waxa xoogaystay is-dhexgalka, isu kal-samaanta iyo is-weheshiga dhallinyarada Somaliland, waxa bislaaday ilaa heer wacyiga iyo aqoonta dhallinyarada ee dhinacyada sooyaalka taariikheed, dhaqameed, dhaqaale, bulshadeed iyo Juquraafiga dalka Somaliland, waxana abuurmay dareen waddaniyadeed iyo sharci, waxana dhismay garaadkii iyo caafimaadkii jidh ahaaneed ee dhallinyada.”

Image may contain: 2 people, sky and outdoor

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana ay tilmaameen inuu barnaamujkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay wax ka tari karaan dawladnimadeeda.

Image may contain: 1 person, sitting, indoor and outdoor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqo qaran waa xarunta ay doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar If iyo Aakhiroba wax taransada, shaqo qaran waxaynu doonaynaa inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.”

Image may contain: one or more people, people standing, sky, child, beach, mountain, outdoor and nature

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay in baraanujka shaqo qaran ay kasoo aflaxeen guutooyin da’yar oo xooggoodu dihin yahay, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay dalkooda horumariyaan

Image may contain: 1 person, standing, sky and outdoor

“Waxa aan cod dheer cid walba ugu sheegayaa inay Barnaamujka shaqo qaran maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Image may contain: 2 people, people standing, sky and outdoor

Dhallinyaradan ayaa haatan wixii ka dambeeya geli doonta wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, kaas oo noqon doona carbis shaqo (Internship) iyo adeeg bulsho (Social Service) is barkan, waxana ay muddada wejigan labaad ay noqon doontaa 9-10 (Sagaal ilaa toban) bilood, iyada oo in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) kamid ah dhallinyaradan oo hablo iyo wiilal isugu jirtaa ay si iskood ah u doorteen inay ku biiraan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 3 people, outdoor

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shahaado sharaf guddoonsiiyey agaasimaha Barnaamujka shaqo qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), taas oo ka markhaati ah sida xilkasnimada leh ee uu uga midho dhaliyey barnaamujka shaqo qaran ee loo xilsaaray oo kamid ah himilooyinka waaweyn ee madaxweynaha qaranka.

Image may contain: 4 people, outdoor
Image may contain: 1 person, standing
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, sky, child and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: 15 people
Image may contain: 14 people, people smiling, crowd
Image may contain: 22 people, people smiling, people standing
Image may contain: 25 people
Image may contain: one or more people, people standing, beach, sky, ocean, outdoor and nature
Image may contain: 5 people, people sitting
Image may contain: 3 people, people sitting and suit
Image may contain: 5 people, people sitting
Image may contain: 1 person, suit and eyeglasses
Image may contain: 1 person, text
Image may contain: 1 person, standing, suit and text
Image may contain: 7 people, people standing
Image may contain: 1 person, suit

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews