Somaliland Oo Ka Hadashey Inuu Dalkeeda Imanaayo Madaxweynaha Kenya
May 26, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay inaanu jirin socdaal uu Madaxweynaha Kenya Uhuyrru Kenyatta ku imanayo Somaliland oo ay xukuumadda Somaliland ogtahay.
Toddobaadkan waxa baraha bulshada aad loogu baahiyay qoraal uu bartiis twitterka ku baahiyay Rashiid Cabdi oo ah khabiir degen Kenya oo falanqeeya siyaasadda gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika oo sheegay in Madaxweyne Biixi uu booqan doono Kenya, halka uu Madaxweynaha Kenya isna iman doono Somaliland inta aanu sannadkani dhammaanin.