“Somaalida In Dhul Laga Qaato Iyadoo Xay Ah Uga Cabsan Maayo,Balse Inay Iyadu Is Dhammayso Ayaan Uga Cabsanayaa”!Abwaan Weedhsame.
May 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame) oo kamida hal abuurka gayiga Somalida ayaa wax aan suurto gal ahayn ku Tilmaamay in Itoobiya si badheedh ah u shaaciso in dhul Somali leedahay qaadashadiisa soo bandhigto balse arintani ay tahay mid khalad ku jiro sida ay dawlada itoobiya ubaahisay amaba ay suurto gal tahay in la jabsaday website lagu baahiyay
Abwaan weedhsame ayaa arintan kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga wuxuna udhignaa sidan;
“Miyey kula tahay inu dalka ethiopia qorshaha iyo siyaasada uu ka leeyahay dhulka soomaalida, dunida si badheedh ah ugu soo bandhigayo, isagoo aayar uun website soo gelinaya Khariidada mapkan la wareejinayo?