“Axsaabta Somaliland Maaha Dawladdo Cadaawadi Ka Dhexeeyso Oo Dhufays Iskugu Jira..” Ex Wasiir Cadami
May 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii Gaanshiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa Xisbiyada ugu baaqay inay xal deg deg ah ka gaadhan khilaafkooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka, si ay Doorashadu u dhacdo, waxaanu ugu baaqay in looga baahan yahay isku tanaasul iyo inay masiirka umadda ka fikiraan.
Wasiirkii Gaanshiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Komishanka Somaliya ay yidhaahdaan Somaliland ayaanu Doorashooyinka ka qabbanaynaa, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo baaq u diraya Xisbiyada “Axsaabta Somaliland maaha dawladdo cadawaadi ka dhexeeyso, oo dhufays iskugu jira ee waxaa looga baahan yahay go’aan caafimaad qaba inay isku raacan, waxaa looga baahan yahay inay masiirka umadda ka fikiraan oo isku tanaasulka iyo wada tashigii aynu caanka ku ahayna ku dhaqaaqan, oo waxay isku hayaan ay ku xaliyaan, Doorashadu waa hal maalin oo sanduuqa warqad lagu rido, laakiin waxaa ka muhiimsan in marka hore khilaaf kasta iyo wax kasta oo la isku hayo inay Axsaabtu iskugu yimaadaan, oo ay wax is weydiiyaan, xalna ay ka gaadhan, ha noqoto Komishankan, ha noqoto tirada Komishanka ee la isku hayo, ama ha noqoto Doorashada lafteeda, ilaa hadda saddexda Xisbi go’aan ay ka midaysan yihiin may gaadhin, wakhtiguna uu is gurayaa, Doorashadiina wakhtigeedii uu inagu soo dhaw yahay, markaas waxba yaan la sii kala fogaanine, ee ha la isku soo dhawaado, oo xal midaysan ha la wada gaadho, maxaa yeelay maanta inagu waxaynu Caalamka ka iibinaynaa oo aynu ka rabnaa waa aqoonsigii, laakiin haddii mar walba khilaaf iyo isqabsi aynu ka bixi weyno, ciddina ina ictiraafi mayso, ee si ay wax walba inoogu hagaagan, oo Caalamkuna inoogu soo joogsado, Ictiraafna aynu u helno, waa inaynu dhexdeena ka heshiina, oo Xisbiyadu heshiis dhab ah ay gaadhan”.