berberatoday.com
Boqorka Sucuudiga Oo Casuumad Ufidiyay Dhigiisa Dalka Qatar Iyo Sobobta?
May 29, 2019 - Written by admin

Riyadh(Berberatoday.com)-Salmaan Bin Cabdulcasiis Boqorka Sucuudiga ayaa ku martiqaaday Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Shirka degdeg ah oo Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeelan doonaan 30-ka bishan magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarama.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar ayaa shaacisay in Amiirka Qatar uu soo gaaray warqad casuumqaad ah oo kaga timid Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa guddoomay farriinta martiqaadka, taasoo uu keenay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Abdulatif Bin Rashid Al Zayani oo ku sugan magaalada Doha.

Shirka degdega ee ka dhacaya magaalada Makkah Al-Mukarama ayaa isugu jira labo qeybood oo kala ah shirka Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa dalalka Khaliijka, kaasoo looga hadlayo weeraro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay weerareen maraakiib shidaal ah iyo dhuumaha shidaalka

Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudi Carabiya, Egypt, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhka u jareen dalka Qatar, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn dhulka, Badda iyo cirka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay beenisay eedeymahas.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews