Badhasaabka Awdal Oo Muddo Bil Ku Dhow Fakad Kaga Maqanyahay Gobalkiisa + [ Sababta ]
May 30, 2019 - Written by admin
Borama(Berberatoday.com)-Badhasaabka gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa muddo bil ku siman fakad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalka Awdal ee uu guddoomiyaha ka ahaa. Sidaas waxa sheegay xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Borama.
Xildhibaan Dhegaweyne oo shalay hadal ka jeediyay soo dhawayn loo sameeyay dhallinyaradii magaalada Borama kaga jirtay barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay duleedka magaalada Borama, ayaa sheegay in badhasaabku gobalka Awdal uu deegaanka uu odayga ka ahaa uga cararay kiiskii dilka ahaa ee 29 April lagu dilay Alle haw naxariiste labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal. Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waxay isku deegaan ka soo jeedaan budhcadii dishay labadaas sarkaal.