Dawladda Soomaaliya Miyay Ku Kala Qaybsantay Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Kenya ?
May 30, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa hareer maray qoraal ay soo saartay dawladda Soomaaliya oo ay ku sheegtay inaanay masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya shirarka kaga qaybgeli karin magaalada Nayrobi, iyagoo hay’adaha caalamiga ahna ka dalbaday inay shirarka ku qabtaan dal kale, ka dib markii ay Kenya dib u celisay wasiiro Soomaaliya ka socday oo doonayay inay shir kaga qayb galaan Nayrobi.
Hase yeeshee Isniintii waxa magaalada Nayrobi shir caalami ah kaga qayb galay wasiirka hawlaha guud ee Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo xubno kale.