“Sacuudiga Waxay U Faa’iidaynayaan Yahuudda..” Dawlada Iran
May 31, 2019 - Written by admin
Tehran(Berberatoday.com)-Iran ayaa ku eedeysay Sacuudiga inay kala qeybsanaan ka abuurayaan gobolka si ay ugu faa’iideeyaan Israel, kadib markii boqortooyada ay marti-gelisay kulan madaxeed ay leeyihiin hogaamiyayaasha Carabta iyo Khaliijka, oo lagu raadinayo taageero ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
“Sacuudi Carabiya waxay waddaa inay kala qeybsanaan ku dhex faafiso dalalka Islaamka iyo kuwa gobolka, taasi oo ah waxa ay jecel yihiin maamulka Zahnuuniyadda” waxaa sidaas yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Seyed Abbas Mousavi.