berberatoday.com
Mauricio Pochettino Oo Sharaxay Dareenkiisa Kaddib Guuldaradii Finalka Champions League
June 2, 2019 - Written by admin

Madrid(Berberatoday.com)-Macalinka kooxda Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino ayaa tilmaamay dareenkiisa kaga aadan guuldaradii 2-0 ahayd ay xalay kala kulmeen Liverpool kulankii finalka Champions League.

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, koobka Champions League kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen xalay kulankii Final-ka ahaa naadiga Tottenham.

Mauricio Pochettino ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada:

“Anigu ma hadli karo, waxaa nagu dhacay niyadjab aad u weyn, inkastoo aan waxwalba sameynay, laakiin waxaan ku faanayaa ciyaartoyda”.

“Dhamaan kulamada finalka waxay ku xiran yihiin guusha, ee kuma xirna ciyaar wanaag, in la dhigo rigoore 20 ilbiriqsi kaddib bilawga ciyaarta waxay saameyn ku yeelatay ciyaartoyda”.

“Waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo Liverpool, tababare Jurgen Klopp, kooxda iyo taageerayaasha, sababtoo ah waxay sameeyeen xili ciyaareed weyn”.

“Waa wax aad u xanuun, balse waxaan u baahanahay inaan horey u sii socono, dabcan way adkaan doontaa, laakiin saacado kaddib waxaan u baahanahay inaan bedelno maskaxdeena si aan u noqono kuwo fiican”.

 

 

 

Sources Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews