“Waa maalintii Iigu Farxada Badaneyd Nolosheyda Waxaan Umahadcelinayaa Ciyaartoyda, Wey Uqalmeen Ku Guuleysiga Champions League”Jurgen Klopp
June 2, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la hadlay saxaafada, kaddib markii ay ku guuleysteen xilli ciyaareedkan 2018-2019 koobka Champions League, waana markii ugu horeysay uu sidaas sameenayo kaddib saddex xili ciyaareed uu Reds ku qaatay.
Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, koobka Champions League kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen xalay kulankii Final-ka ahaa naadiga Tottenham.