“Kulmiye Iyo UCID Waa U Diyaar Doorashada , Laakiin Waddani Ayaan Ilaa Hadda Diyaar U Ahayn Oo Jawaab Laga Sugayaa…” Wasiir Faratoon
June 3, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa ka hadlay Maxaabista Somaliland ee Puntland u xidhan, xilli Somaliland fasaxday Maxaabiistii Puntland ee u xidhayd, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Maxaabiista Somaliland ee Puntland u xidhan in la soo dayn doono.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u waramaayay warbaahinta ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, ismarin waaga XIsbiyada Qaranka iyo Beesha Caalamka, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay anaga oo wax ka weydiinay sababta keentay in ilaa hadda Puntland soo dayn weydo Maxaabiista Somaliland ee u xidhayd