Rabshado Ka Dhacay Masjid Barakeysan Ee Al-Aqsa
June 3, 2019 - Written by admin
Quduz(Berberatoday.com)-Rabshado ayaa maanta ka dhacay gudaha masaajidka barakeysan ee Al Aqsa ee magaalada Qudus, kaddib marki ay ciidamada booliska Israil gudaha u galeen, xilli ay halkaasi ku cibaadeysanayeen boqolaal Muslimiin Falastiiniyiin ah.
Iskudhacyada ayaa ka danbeeyay kadib marki ay ciidamada booliska u ogolaadeen in ay masaajidka Qudus gudaha u soo galaan boqolaal Israailiyiin ah oo u dabaaldagaya Maalinta Juruselam oo ah maalinta ay ciidamada Israil xooga ku qabsadeen bariga magaalada Qusud sannadki 1967-ki, kaddib dhamaadkii dagaalki Israil iyo dalalka Carabta.