berberatoday.com
Xildhibaan Guurti Ah Oo Ganacsatada Ugu Baaqay Inay Maceeshada Jabiyaan
June 3, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa Ganacstada Somaliland ugu baaqay inay dadkooda u naxariistaan, oo maceeshada qaaliga ah ka jibiyaan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale Shacabka ugu baaqay inay Dawladda ayidaan, oo ay la shaqeeyaan, waxaanu ugu yidhi “Bishii Ramadaan dhammaad bay ku dhawadahay, ALLENA khayrkeeda ha ina siiyo,waxaan odhan lahaa Ganacstada qiimihii sarifku uu jabay, ee bal idinkuna dadkiina u naxariista, oo maceeshada u jabiya, haddii maceeshada jabisaana, waxaa xaqiiqo ah inuu ALLE arsaaqada iyo ganacsigaba idiin barakeeynayo, markaas waxaanu Ganacstada ku boorinaynaa inay dadkooda hoos u eegaan, oo maceeshada u jabiyaan, oo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay ay maceeshadana u saleeyaan, laakiin maaha inay Maceeshada qaali ahaado iyadoo lacagtii doolarku jabtay”.

Mar uu baaq u diraayey Shacabka ayaa yidhi “Shacabka waxaa looga baahan yahay inay wadaniyadooda ilaaliyaan, oo Dawladdana ayidaan, waxaynu wax ku nahay, waa Dawladnimada, haddii aanay Dawladdu jirina dal ma hagaago, markaas inaynu dawladnimadeena ilaashano, oo nabadgalyadeena ilaashano, oo qaranimadeena ilaashano,ayaa qof walba oo muwaadin ah looga baahan yahay, waxaa kale oo looga baahan yahay inay aad uga feejignaadaan wax kasta oo qaranimadooda dhaawac ku ah”

 

 

Sources Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews