Ayatollah Ali Khamenei Oo Ka Digay ‘Heshiiska Qarniga’
June 6, 2019 - Written by admin
Tehran(Berbertatoday.com)-Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta dhalleeceeyey qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, oo uu ku sheegay “khiyaano weyn oo lagu sameynayo dunida Islaamka”, wuxuuna dalalka Khaliijka kaga digay inay taageeraan.
Xukuumadda Washington ayaa la filayaa inay dhammaadka bishan dalka Bahrain kusoo soo bandhigto qeybta dhaqaalaha ee qorshaheeda muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe ee Israel iyo Falastiin, kaasi oo loogu magac daray “Heshiika qarniga.”
“Ujeedada shirkan waa in laga gun gaaro qorshaha Mareykanka ee khiyaanada iyo sharaf-tirka ah ee ku wajahan Falastiin, kaasi oo ay ku magacaabeen ‘heshiiska qarniga’” ayuu Ayatollah Ali Khamenei ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka oo uu ugu talo-galay munaasabdda ciidda.