Cida Ay Yihiin Qorshe Ay Kenya Dalkeeda Kaga Mamnuucayso 66 Siyaasi Oo Soomaali Ah
June 6, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Xidhiidhka u dhaxeeya wadamada soomaaliya iyo Kenya ayaa maraya halkii ugu xumayd.
Dowlada Kenya ayaa hada wada qorshe ay dalkeeda uga mamnuuceyso 66-qof ay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, Xubno katirsan dowlada Federaalka, saraakiil ciidan , ganacsato iyo dad kale oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo.
Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in uu helay xogta 66-qof oo Soomaali ah ay Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso, waxaana dadkaasi ku jirawasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed.