Faah Faahin Ku Saabsan Dil Ka Dhacay Xerada Birmadka Ee Ciidamada Booliska Somaliland
June 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Askari ka tirsan ciidamada birmadka somaliland ayaa dil u gaystay askari dhigiisa ah oo ay ka wada hawl galayeen xeradaasi.
Warar ayaa sheegay in askariga dilka gaystay oo magaciisa lagu soo koobay Caateeye isla markaana darajadiisu ahayd Dable uu falkan ku kacay ka dib markii ay wakhti xili qado ah ay is afdhaafeen askariga uu dilay oo alle haw naxariistee lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Axmed Aadan oo darajadiisu ahayd Dable.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen askariga dilka gaystay isaga oo aan ka bixin xerada ciidanka birmadka oo uu dilku ka dhacay isla markaana xabsiga loo taxaabay.