“Xarunta Mucaaradka Farmaajo Oo Waxa Noqonaysa Magaalada Hargeysa….” Warbixin Uu Qoray Wargeyska Caanka Ah The Indean Ocean
June 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warbixin uu qoray Wargeyska The Indean Ocean oo soo baxday maanta oo jimce ah, ayaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay noqon doonto sannadka 2020ka marka ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinnimada Soomaaliya goob dhaqaalaha imaaraadka iyo Sucuudiga ka imanaya loogu qaybiyo musharraxiinta ay wataan.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in olole ka dhan ah madaxweyne Farmaajo laga abaabuli doono magaalada Hargeysa, xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka 2020ka.
Qorshahan ayuu wargeysku sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimid safiirka dalka Sucudiga u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Khayat, labadii bishii May ee sannadkan.