Al Shabaab Oo La Wareegey Deegaano Ka Tirsan Maamulka Puntland
June 9, 2019 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa saaka waaberigii iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin la wareegay gacan ku haynta tuulada Af-urur oo qiyaastii 90 Km dhinaca Koonfureed kaga began magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari ee Puntland.
Qabsashada al-shabab ee Tuuladan ayaa timid, kadib markii 30kii bishii la soo dhaafay ee May ay ciidamada daraawiishta Puntland isaga baxeen Saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, sida uu VOA u sheegeen dadka deegaanka.
Wax qasaaraha ah oo ka dhashay la wareegista al-shabab ee tuuladan lama soo sheegin.