Hogaamiyeyaasha Mucaaridka Sudan Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Dhex-dhexaadintii Ethiopia
June 9, 2019 - Written by admin
Khartuum(Berberatoday.com)_Ciidamada Amaanka ee dalka Sudan ayaa xidhay laba hogaamiye oo ka tirsan Mucaaridka dalkaasi, waxyar ka dib markii ay kulan la yeesheen Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed, oo u muuqday hogaamiyaha gobolka, kaas oo socdaal tagay Jimcihii magaalada Khartuum.
Raysal Wasaaraha Ethiopia ayaa xubnihii ka socday socday labada dhinac ee Jeneraalada xukuma Sudan iyo Hogaamiyeyaasha dibadbaxayaashu u sheegay inay wadahadlaan, dhawr maalmood kadib markii ay milatarigu bilaabeen inay si xun ula dhaqmaan dibadbaxayaasha oo ay dileen tiro ka badan boqol qof todobaadkan.