Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaaro Gaadhsiiyay Deegaanada Cali-Xaydh Iyo Riiga Karuura Ee Gobolka Awdal.
June 9, 2019 - Written by admin
Awdal(Berberatoday.com)-Roobab khasaare Gaystay ayaa galinkii dambe ee maanta ku dhuftey degaanada Cali Xaydh
iyo Karuure oo ka tirsan gobolka Awdal, sida ay shabakada u xaqiijiyeen Gudoomiye-yaasha degmooyinka Lughaya iyo Cali Xaydh.
Roobabkan oo da’ayay mudo kooban ayaa Watay dabaylo waxana uu khasaaraha ay gaysteen u badan yahay mid hantiyeed iyo burbur dhinaca dhismayaasha ah.