Waa Kuma Qofka Ay Geeridiisa Ka Baroor Diiqayaan Jilayaasha Ugu Caansan Hindiya?
June 10, 2019 - Written by Berbera Today
Mumbai(Berberatoday.com)-Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Amitabh Bachchan, oo Soomaalidu ay u taqaanno Cali Dheere ayaa ka qeyb galay aaska Sheetal Jain, oo xog heyntiisa ahaa muddo ka badan 30 sano.
Bachchan oo ay wehlinayeen jileyaal kale ayaa maqribnimadii Sabtida tagay goobtii tacsida, wuxuuna muujiyay sida uu uga murugeysan yahay geerida ku timid Sheetal oo ay aad isugu dhawaayeen.
Sawirro uu shaaciyay telefishinka NDTV, oo warbixintan aan kasoo xigannay ayaa sidoo kale lagu arkayay Abhishek Bachchan (Wiilka Cali dheere) iyo xaaskiisa Aishwarya Rai Bachchan oo aabahood ku wehlinaya munaasabaddaas oo ka dhacday magaalada Mumbai.
Jileyaal kale ayaa sidoo kale ku sugnaa goobta, waxayna sagootinkii ugu dambeysay u sameeyeen Sheetal Jain oo ahaa soo saare filim oo aad looga yaqaannay dalka Hindiya iyo meelo badan oo ka mid ah caalamka.
Jilaaga kale ee caanka ah ee lagu magacaabo Anupam Kher, oo Soomaalidu qaarkood ay u garanayaan “Aaw Baska”, ayaa baroor diiqda ku saabsan geerida Sheetal Jain soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
“Waxaan ka murugooday inaan ogaaday geerida soo saare Shri #SheetalJain ji. Waxaan aqaannay muddo dheer inuu ahaa xog hayaha Mr. @SrBachchan. Wuxuu ahaa nin aad u sharaf badan oo akhlaaq fiican leh. Alle Samir haka siiyo qoyskiisa”, ayuu yidhi.
Anupam Kher ayaa qudhiisu waxa uu ku jiray filimka Bade Miyan Chote Miya nee uu soo saaraha ka ahaa Mr Jain.