Sirdoonka Kenya Oo Shaaciyay Tirada Al Shabaab-Kii Ugu Badnaa Oo Gudaha U Galay Kenya
June 12, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Warbaahinta dowladda Kenya ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaano ka tirsan dalka Kenya, waxaana sii korortay cabsiga laga qabay weeraro ay ka geystaan gobolka waqooyi Bari dalka Kenya.
Ku dhawaad 40 Dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen dalka Kenya, waxaana warbaahinta Kenya ay shaacisay inay ka gudbeen dhanka xuduuda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay.
Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in hay’adaha Sirdoonka Kenya ay ka heleen macluumaadka ku saabsan in xubnaha Al Shabaab ay gudaha u galeen dalka Kenya.