Akhriso Ajandayaasha Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiir Somaliland Iyo Qodobadii Kasoo Baxay
June 13, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii 36-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiiradda wasaaradaha shaqo-gelinta, arrimaha bulshada & qoyska iyo Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda.
wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo ugu horayn goluhu warbiximo ka dhegeysteen ayaa ku dheeraatay ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaradu sannadkii 2018, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.