Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Ka Hadley Shirka Garxajis Iyo Habar Jeclo , Boqor Buurmadow-na Amaaney
June 13, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw iclaamiyey, waxaanu sheegay inay khalad tahay in dacwad ka dhan ah Boqor Buurmadaw in dacwad ka dhan ah loo gudbiyo Imaraadka, xilli uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Gaafadhi uu dacwadan ka gudbiyey.
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaayey Shirka uu iclaamiyey Boqor Buurmadaw ayaa yidhi “Boqor Buurmadaw waa nin macquul ah, laakiin Shirka uu ku dhawaaqay ilaa hadda Odayaasha Habarjeclo namay soo gaadhsiin, qaabka uu u doonayo inuu Shirka u qabto, iyo cidda la wada ilaa hadda ma ogin, markaas waanu eegi doonaa haddii ALLE idmo bal sida uu wax u wado”.