Madaxweyne Muuse iyo Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ka Arinsadey Duruufaha Caasimada iyo Dareenka Ku Xeeran
June 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay kulan khaas ah la Qaatey,
Xildhibaano Katirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa kulankaas, oo ahaa mid Albaabadu u Xidhnaayeen Islamarkaana, Aaney habayaraatee Goob joog ka aheyn Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco), iyo Kuxigeenkiisa Cabdicsiis Cagaweyne, Waxa uu Nuxurkiisu Daarnaa Dayaca Caasimada Hargeysa, iyo Duruufaha Xasaasiga ah ee ku Gedaaman iyo Waliba Sida aaney Xil iskaga Saarin Maamulka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.