Xildhibaan Dhakool Oo Dalbaday Raali Gelin Uu Siiyo Shacabka Somaliland Iyo Mawqifka Uu Ka Taagan Yahay Xukuumada
June 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland isla markaana ay xukuumadu xabsiga dhigtay ka dib markii uu ka horyimid xuska 18-ka May ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu raali gelin siiyo shacabka somaliland.
Warar ay heshay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in xildhibaan Dhakool uu dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo isla markaana uu haatan doonayo inuu shacabka somaliland raali gelin ka siinayo hadaladii uu ku duray xuska 18-ka May ee ay shacabku u dabaal dagaan madax banaanida dalkooda.