Dhamaan Masaajidada Ku Yaala Dalka Turkiga oo Laga Oogay Salaad Jinaaso Ah Oo Loo Tukanayo Maxamed Mursi
June 19, 2019 - Written by admin
Istanbul(Berberatoday.com)-Masaajidada ku yaala dhamaan dalka Turkiga ayaa laga oogay Salaad Jinaaso ah oo ay u tukanayaan Maxamed Mursi, Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo ku geeriyooday Isniintii magaalada Qaahira oo ay maxkamadayntiisu ka socotay.
Masuuliyiinta diinta ee dalka Turkiga ee Diyanet, ayaa ku baaqay in maalinta salaasada oo maanta ku beegan in 81-ka gobol ama degmo ee dalka oo dhan laga oogayo salaad jinaaso ah oo loo tukanayo aaska Maxamed Mursi.
