Nin Maalqabeen Ah Oo Jaamacad Ugu Deeqay In Kabadan 150 Milyan Oo Doolar
June 19, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Jaamacadda Oxford ee ku taalla UK ayaa aqbashay deeq lacageed oo aad u badan si ay u samayso mac’had cusub oo lagu barto anshaxa caqliga macmalka ah, waa dhaqaalihii ugu badnaa ee mar qura wada socda ee abid loogu deeqo jaamacad dalkaas ku taalla.
Stephen Schwarzman oo ah nin Maraykan ah oo bilyoneer ah ayaa jaamacadda siiyay 150 milyan oo giniga istarliinka ah, ninkaas ayaa lataliyeyaal u soo noqday madaxweyneyaal Maraykan ah oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan kuwaas oo uu ku jiro Donald Trump.