Xisbiga Waddani Oo Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Guddida Doorashooyinka Somaliland
June 19, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Codsiga ka yimid guddida doorashooyinka ayaa la xidhiidhay martiqaad ay u direen xisbiyada siyaasada, golaha wakiilada, wasaarada arimaha gudaha, ururada bulshada iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka iyaga oo ku wargeliyey inay ka soo qayb galaan munaasibad lagu soo bandhigayo tayeyn lagu sameeyey hanaanka farsamo ee diwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka.
Guddida doorashooyinka ayaa warqada codsiga ah ee ayku socodsiiyeen xisbiyada siyaasada iyo hay’addaha kale oo uu ku saxeexnaa gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxay ku sheegeen in loo soo bandhiyo hab raac cusub oo lagu sameeyey nidaamka diwaan gelinta codbixiyeyaasha ee casriga ah, iyada oo hay’addaha lagu socodsiiyeyna la faray inay soo dirsadaan min sadex xubnood oo goob joog u noqda.