Trump Oo Si Daran U Canaantay Nin U Shaqeeya Oo Ku Ag Qufacay
June 20, 2019 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaga oo ku jira waraysi toos ah
oo ka baxayay taleefishinka ABC ayaa qolkii uu waraysiga ku bixinayay ka eryay ku simaha agaasimaha guud ee Aqalka Cad Mick Mulvaney, kadib markii uu qufacay.
Waraysiga waxa uu ka dhacayay xafiiska gaarka ah ee Trump ee loo yaqaano Oval Office, wuxuuna yiri Trump “Orod meelahaas ku qufac, waa uu qufacayaa aniga oo bartanka kaga jira in aan ka jawaabo su’aal, ma jecli taas, waad ogtahay, ma jecli”.