berberatoday.com
Dawlada Iran Oo Soo Ridday Diyaarad Mareykanka Uu Leeyahay Oo Basaasid Sameynaysay
June 21, 2019 - Written by admin

Tehran(Berberatoday.com)-Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa maanta sheegay inay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz.

“Diyaaradda basaaska RQ-4 Global Hawk ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhuftay gantaal markii ay kusoo xadgudubtay hawada Iran ee dusha biyaha gobolka Hormozgan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ilaalada kacaanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca MQ-4C Triton, hase yeeshee ay ku duuleysay hawada caalamiga ee Marinka Hormuz.

Dhacdadan ayaa timid xilli uu aad usii kordhayo is-naceybka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran kadib mowjado weeraro ah oo laba mar lagu qaaday maraakiib marayey biyaha gacanka.

Dowladda Mareykanka ayaa Iran ku eedeysay inay ka dambeysay weeraradaas, waxayna soo bandhigteen sawirro ay sheegtay inay taas caddeyn u yihiin.

Tehrani waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada, waxayna tusmeysay in laga yaabo in Washington ay ka dambeysay weerarada si ay qiil ugu raadsato weerar ay ku qaado Iran.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews