berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Sameeyo Isku Shaadhayn Iyo Xil Ka Qaadis Xukumadiisa Ah Iyo Sababata Kalifaysa”Fallo Axmed Sakaaro
June 25, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com-Wararka laga helayo qasriga madaxtooyada somaliland ayaa sheegaya maalmaha soo socda uu Madaxwayne Muse Biixi Cabdi uu maaganyahay isku shaandhayn xukuumadiisa uu ku samaynayo seeftuna qaadanayso xubno ka mid ah golahiisa wasiirada,wararka ayaa sheegaya in isku shaandhayntani ay ka dhalatay culaysyada siyaasadeed ee soo foodsaartay xukuumadiisa iyo shirka maalmihii danbaysay la hadal hayay inuu ka qabsoomayo magaalada burco ee ay fooda isku dari doonaan beelaha galbeedka iyo Bariga Burco,shirkaasi oo ay xukuumadu isku dayday inay hakiso,AMA burburiso iyadoo beryihii u danbeeyay xukuumadu ku hawlanayd abaabulka odayaal kasoo horjeesta qabsoomida shirkaazi kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhawaaqayay saxaafada,odayaashan xukuumadu dhaqdhaqaajisay ayaa ka kooban labada beelood ee shirkaasi khuseeyo,kuwaas oo ay xukuumadu uga FAA,iidaysatay AMA wax u galisay qaabab isugu jira xeelado,dano iyo dhaqaale,iyadoona ay hada ku sugan yihiin magaalada hargaysa xubno odaayaala oo uu wasiirka arimaha gudaha Mr kaahin uga yeedhay magaalada burco,kuwaasi oo uu doonayo Inuu ka horgeeyo mid ka mid ah salaadiinta laf dhabarka u ah shirkaasi.
hadaba sawirka dhabta ah ee kasoo baxaya isku shaandhayntan la filayo ayaa ah hungada ay wasiirada xukuumada muuse kala kulmeen joojinta shirkaas ee sababtay in muuse biixi fasaxo shirkaas.
xubanaha laga yaabo inay xasarada shirkaasi sahayato ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin,wasiirada,macdanta,kaluumaysiga,degaaanka,iyo waliba badhasaabo iyo hay,ado kale,halka la sheegay in wasiirka arimaha gudaha,iyo qorshaynta boosaskaasi laga bedelayo,sidoo kale xubnaha la filayo inay wasiirada cusub noqdaan ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin,gudoomiyaha banka dhexe oo la filayo in loo dhiibo wasaarada maaliyada,halka sacad loo wareejinayo qorshaynta,cadaani,claahi maxamed ducaale iyo xuseen cabdi ducaale ayaa iyana la filayo inay kasoo muuqdaan kuraasta wasiirnimo.
isku soo wada duuboo xukuumada muuse biixi ayaa la filayaa inay xiliyada soo socda wajahdo mucaaridnimo adag oo kaga timaada degaanada bariga iyo galbeedka,iyadoo wararka qaar sheegayaan in gobalka awdal iyo xubnaha xukuumada kaga jiraa inaanay mudooyinkii u danbeeyay isku fiicmayn.waana Sababaha soo dedejinaysa inuu madaxwayne muuse biixi soo cugto xubna uu u arko inay la wajihi Karaan xaalada siyaasadeed ee la filayo inay kasoo deristo xukuumada uu hogaaminayo.

 

 


Axmed Muuse Maxamed(sakaaro)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews