berberatoday.com
“Halyeygii La Halmaamay Xaaji Ibraahim Nuur Oo Kamida Ragii Gobonimada Somaliland Dhaliyay 26 June 1960″Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
June 26, 2019 - Written by admin

USA(Berberatoday.com)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa faalo iyo faahfaahin dheer ka bixiyay mid kamida halyayadii gobonimada Somaliland dhaliyay oo magaciisu ahaa Xaaji Ibraahim Nuur oo kasoo jeeday Gobolka Awdal.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in la hilmamay oo la ilaaway taariikhda halgamaagaa kamida ragii soo saxeexay Gobonimada iyo gooni isuataaga Somaliland sanadii 1960 26 june.

Halgamayaashaas uu hogaaminaayay Maxarxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayuu kamida ahaa Xaaji Ibraahim Nuur isaga oo kamid noqday afartii Wasiir ee Xiligii Ingiriiska la doortay iyo baarlamaankii ugu horeeyey ee la doortay sanadii 1960-gii

Halkan Hoose Ka akhriso qoraal uu Bartiisa Facebooka soo dhigay Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen uu kaga hadlay Xaaji Ibraahim Nuur iyo Taariikhdiisa”

 

“Xausuuso Halyeeygaaga La Hilmaamay: Xaaji Ibraahim Nuur. Waa mid ka mid ah raggii gobonimadda soo saxeexay 26 kii June, 1960 waftigii Somaliland ee uu Cigaal hogaaminaayey ee U.K. Ka soo noqday ee soo xasiliyey gobanimadda ayuu ku jiray. Wuxuu ka mid ahaa afartii Wasiir ee xilligii Ingiriiska iyo Baarlamaankii Ugu horeeyey ee Feb 1960 kii la doortay. Xaaji Ibraahim Nuur Oo Awdal ka soo jeedda Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee wuxuu ahaa shakhsi ku suntan gobonimaddii 1960 kii. Baarlamaankii midowga ee July 1st, 1960 kii wuu ku jiray Republic of Somalia, isla dawladaasna cabinetkii ugu horeeyey ee dawladaasi Wasiiro ka noqdana wuu ku jiray. Kolkii kacaanku dalka qabsaday wuxuu noqday Baayacmushteri weyn Oo ganacsiyo kala duwan ku lahaa Hargeysa iyo Boorama, anigu Hargeysa ayaan dhowr iyo sideenkii ku garanayaa anigoo saaxiib dhow la ahaa mid ka mid ah wiilashiisa Abdikareem Xaaji Ibraahim Nuur. Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo halyeey la hilmaamay

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews