Dawlada Sucuudiga Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xoolaha Somaliland Ee Dekeda Berbera Ka Dhoofaya
June 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wariyaha Ruug Cadaaga ah ee Axmed Siciid Cige ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ku sheegay inuu helay xog rasmiya oo la xidhiidha qaabka Xoolaha Nool ee Somaliland Ay Dawlada Sucuudi Arabiya Uqaadan doonto xiligan Mooshinka Xajka ee fooda inagu soo haya.
Axmed Siciid Cige waxa uu sheegay in Dawlada Sucuudigu go,aamisay inay toos uga qaataan ugalana Xaajoodaan Dawlada Somaliland Xoolaha Uga soo dhoofaya Dekeda Berbera ee Somaliland halka warar hore sheegayeen in dawlada Xamar bixin doonto ruqsada Xoolaha Somalida ee udhoofaya dalka Sucuudi Carabiya.