Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Aanu Shaacin Ku Magacaabay Laba Taliye Ku Xigeen Oo Ay Isku Deegaan Yihiin.
June 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay laba masuul oo ka mid noqonaya xukuumadiisa.
Madaxweynaha ayaa digreeto uu soo saaray bishii May balse aan la shaacin waxa uu ku magacaabay laba taliye ku xigeen ugu magacaabay ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo ilaalada xeebaha.
Warar rasmi ah oo ay Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegay in Madaxweynaha somaliland uu taliye ku xigeenka ciidamada ilaalada madaxtooyada u magacaabay Gaashaanle Maxamed Shabcaan oo ka soo jeeda deegaankiisa halka uu taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada xeebahana u magacaabay Gaashaanle Dhexe Cali Xasan oo isna ka soo jeeda isla deegaankiisa.