Maxamed Qanyare Afrax Oo Muqdisho Ku Geeriyooday
June 29, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Alle ha unaxariisto siyaasigii Maxamed Qanyare Afrax ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho Cisbataalka Digfeer uu mudooyinkii udanbeeyay xaalad caafimaad ujiifay .
2006 waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyo ku dhawaaqay isbahaysigii la dagaalanka argagixisada oo dagaalo la galey midowgii maxaakiimta Islaamiga ah.
Dagaalkaasi waxa ku guuleystay Islaamiyiinta oo gacanta ku dhigay magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo inta badan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.